Qofka markow qoslo, caloosha aa gadaal u noqota. Taas waxaa ka horaysa, aa la sheegay, maskaxda oo aragta labo fikradood oo iska soo horjeeda oo bacdi si lama filaan ah loo mideeyay.
Muraqa u dhexeeya caloosha iyo xabadka, oo la dhaho dayafaram, kaas waaye kan gadaal u noqda.Qoraaga wuxuu leeyahay haddii qofka xeebta lagu duugo, ilaa dhuunta, bacdina loo sheego sheeko lagu qoslo, waa arkaayaa iska horimaadka, laakiin ma qoslaayo, waayo dayafaramka gadaal uma noqon karo. Laakiin maxaa diidaaya inuu gadaal u noqdo, haddii meesha fursad ka jirto?
Qosolka dhabta ah waxaa dhaliya, saan arkay, marka la kalifo in qofka loo maleeyo inuu wanaag doon yahay, laakiin waxaan macquul ahayn wado.
Tusaale, nin reer Marka ah aa Cadale tagay si loo doorto 60aadkii, bacdi wuxuu dhahay Buundo aan dhisaa isku xirta Cadale Iyo Yaman, ee I doorta. Nin meesha fadhiya aa waxow yiri waaga ma sheegin rubac saliid ah. Marka waxa lagu qoslaayo waxaa ka mid ah ninkaan inuu niyad fiicanyahay laakiin haddana ow wado waxaan maclcquul ahayn, marka labada isma raacaan.

No comments:
Post a Comment