Tuesday, April 16, 2013

Muraaqabada iyo Gaxgaxda, qaybta 4aad

Waxaan kaloo ku qoslaynaa ninkaan raba inuu suubsho wax qayru macauul ah. Runtii wax qurux badan waaye oo taariikhi ah, in la suubsho wax qayrul macquul ah.

Mararka qaarkood waxaa jirta inaan ku qosolno islwayni, ama wax walba ama xittaa gardarro, laakiin waxaas qosol run ah ma aha, ee waa iska camir, ama waxaan qoto dheerayn.

Qosolka waxaa la yiri wuxuu u baahanyahay bulsho. Marka dad aadan garanayn ama aadan wax la wadaagin uma badna inaad la qososhid. Marka saaxiibo waad la qoslaysaa.

Qosolka wuxuu u baahanyahay waxa meesha ku jira in la walaxeeyo, hadday saan dhacdo, waxaa meesha ka baxaaya faqriga dadka u dhexeeya, bacdina waxaa dhalanaysa midnimo, ama isku soo dhawaansho, ingiriiska waxay ku maahmaahaan qosolka waa fogaanta ugu yar oo u dhaxaysa labo qof, wixii la goobgoobaayay ma ahanoo?


No comments:

Post a Comment