Monday, April 8, 2013

Ku dul fakirka Cutubka 10aad

Nin iyo naag aa hadda ka hor dabka ku kulmay, dagmada Waaberi,  intay wada hadlin ka hor, ay is caashaqeen, saasna waxaa u sheegay  nin kor ka arkaayay, ayagoo is qashaaya, oo iska helaaya, laakiin aann iska warqabin. Cishqiga dhabta ah waa iska dhacaa, ee lama khasbo, saasaa waxaa loo dhahaa iska daa ha dhacdee, bacdina ku dhag inta la isla rabo, inta kalena ka soco. Haddii wax hareen, ka tagitaanka aad ka tagaysid aa dhalinaaya cishqiga, bursiga karaahiyo.

Xal aa kugu soo dhacaaya qaabaynaaya qaabayso, mushkilo, ku haysay; arintaan iskama dhicin, ee amin noqon karta sanado ay maskaxda ka shaqaynaysay. Marka ka macaash xalka soo dhacay,gurubso.

U fiirso marka, warka waa sida iscaashaqaan loogu naaloon karo maalmo, ee ma aha inuu jiro iyo in kale. Ninka dabka joogay wuxuu sheegay war aan la maqli karin, gabadhii waxay ku tiri ma taleefankayga aad I waydiisatay? Haa uu dhahay. Wax iska cad lagama hadlo. Reerka guuraaya, ma geediyaa? Diiqa qaylinaaya, ma doraa? Qoraxda aad kulaalaysid, ma mugdiyaa? Warkaas war la fahmi karo ma aha, wuxuuna caddaynaayaaa qofaan wax caddayn karin, oo ku dhex jira dhunsanaan iska cad.

Kuma taagnid wadaddii caddayd.

Hadday diido war cad in laga hadlo, warkaas Igala tag aad iska leedahay. Raggana, dumarow waa sidaas.

Waxaas kuma jirno, waa ka baxay.

Markaan Ingiriiska baranaayay, 88kii, waxaan bartay labo eray markii hore, look iyo future, fiiri iyo mustaqbalka, waxa soo socda, bacdin anoo maraaya wado barbartaala wadada isku xirta dabka iyo Bakaaraha, agagaarka Baar Raaxo, waxaan ku dhahay wiil meesha maraayay, look future. Waa igu yaabay.

Labada eray waxay gacanta ku dhigeen qaabayso igu soo fool leh, waa qaabaysada shakhsiyada la dhaho Miisaali. Waxay fiirisaa waxa soo socda, bacdi waxaa laga yaabaa inay arkin hadda, oo afka Ingiriisiga lagu dhaho hadyad, bacdi hadyadaan badan ma furaan. Xiligii la furan lahaa aa la joogaa.

Cishqiga markuu dhacay dabka, labadaba kama warqabin, waa dawakheen, bacdi waxaa ku soo dhacay labadooba waxaa waaye tub lagu gaari karo meesha loo wada hilowsanyahay, waxa kale waa dhumitaan cad, iyo ciyaar ciyaar.

Waxaa ku soo dhacay waa loo noqde ama marjic, bacdi waxaas aa mar walba loo noqonaa, iyo waxa ka farcama, Ileen ayagaa asal ah.

Marka si wax u soo dhacaan, tan waxay qabataa masaaliga, inuu laabo indhaha waaye, si ay indhaha kale u howlgalaan. Bacidna wixii ku soo dhaca oo fiican ha ka waramo ama hana tijaabiyo. Hadii laakiin wax walba ow indhaha la raaco, wuxuu noqonaa indhoole, hogag badan ow ku dhacaa.

Bacdi waxaad helaysaa isxukun hoosaad, haddii kale waxaad noqonaysaa rati madaxa koofiyad bir ah looga haayo, hoosna laga kickicinaayo. Waana lagu dhaganyahay, marka xor ma tihid, bacdi howlihiisa ma qabsan karo. Qaabka la iskaga xureeyo, howlahaan mid ka mid ah waa neefsashada iyo fadhiga, ama socodka lagu laray neefsahda, aan soo magacdhownay.

Waxa ugu soo horeeya ee kugu soo dhacay intaad ka waramaysid, ma dhumaysid, bacdi qaado go'aano cadcad oo ku salaysan macluumaadka aad haysid markaas.

Qaabkaan waa qaabka loo tacbado dabeecado cusub oo raaya, waana yoolka shishe ee Diinta, makaarim al-Akhlaaq, habdhaqana ugu fiifiican, sida Nabiga sheegay, NNKHA.

Waa ka baxday iska dabowareeggii.

Miisaaliga wuxuu ku fiicanyahay ka hadalka macruufka, wax lawada yaqaan, laakiin hadda aan la xusuusnayn. Xusuus. Sidaas darteed aa aqoonlayda oo la dhahaa waa xusuuslay -Ahlu dikri. Qoladii laga waayana waa halaaksantaa. 

  Kasb, كسب Araygaan baro, sababtana waa wixii kugu dhaca oo wanaag ah ama xumaan ah, waa waxaad kasbatay waaye, adaa dhaliyay, waxbadan Ilaahay waa dhaafaa. Meesha aad joogtid, haye, waxay ka dhalatay shaqadaada.

Marka mirir walba waxaad ku jirtaa kasbasho, ama tacbasho, wax fiican kasbo ama iska aamus, waxna ha samayn, ama wax fiican suubi. Adduunka waxa kaa raacaaya waxaad tacbatay, camal, waxa kale waa ka tagaysaa, walow ay jirto sadaqo jaariyo ah, dakhli iskaga kaa socdo.


 


No comments:

Post a Comment