Wednesday, November 28, 2012

Suufiyada Casriga ah iyo Muraaaqabada ama Iskorjoogga: Sababaha igu Kalifay Howlahaan oo la Magacdhabay


In badan waxaan jeclaa inaan barto dadkana baro sida loo fariisto, bacdina loo neefsado, si markaas maskaxda loo dajiyo, bacdina shaqo loo qabsado, bacdina facaa la tartandid.

Waxaa igu adag inaan meel fariisto, bacdina shaqaysto.

Waxaa dhici karta inuu qofka shaqo qabsan karo, haddii la dhaho ama shaqadaan qabo ama lacagtaan bixi. Cabsi aa ku kalifayso bacdi qofka shaqadiisa inuu qabsado.

Insaanka waxaa soo koraaya cadaadisyo, mararka qaarkood, waajib ay noqonaysaa inuu iska dajiyo, haddii kale nolol fiican ma ku noolaan karo, ama waxaa laga yaabaa inuu gaari karo inuu gaarin.

Intaan horay u socon warkaan iga qabo: wax Diinta Islaamka ka horimaanaaya ma wado, taas waa in la ogaadaa. Haddaad igu aragtid anoo sheegaaya wax ka hor imaanaaya Diinta Islaamka, Iga la dood, haddaad Iga gar heshid, waa ku raacaa, haddii kalena warkaad wadid, aad meesha kala tagaysaa.

Iskawarqabka, ama waxay suufiyada ugu yeeraan muraaqabada, Ashiyana looga yeero meditayshanka, af Ingiriisiga, aan udurusaynaa.

Macaash adduunyo iyo mid aakhiro uu leeyahay, tanaana nagu kalifaysa inaan udurusno.

Meditayshanka macnihiisa waa fikir ama si mayir leh in wax loo uduruso. Tanna caado laga dhigto.

Quraankana dadka waa ku dhiiri galinaa in hal iyo labo labo loo fikiro, ama si miyir leh wax loo uduruso.

Yoolka miyir-uduruska, ama muraaqabada, ama iskorjoogidda, Culumada Suufiyada waxay dhahaan, waa Fanaa, ama waa tagay. Intee aaday? Siir fil laah, wuxuu ku dhex safray Ilaahay.

Arintaan aan naawilayno waxaa loo arki karaa casriyaynyta duruqda Suufiyada ee Soomaaliya, iyo Caalamka oo dhan, tan waxaa ku jira ururada kale ee Muslimiinta, sida ictisaam, Islaax, iyo guud ahaan ikhwaanul Muslimiin iyo xitaa dad aan intaas oo dhan ku jirin, laakiin Muslimka ah.

Iskorjoogidda waa isilaalin ama taqwo. Dadkana waxaa ugu karaamo badan, sida Aayadd Quraan ah oo caan ah, ay leedahay, oo ka hadlaysay beelaha iyo ummadaha, kuwo isku ilaalinta badan.

Marka Suufiyda waxay dhahaan qofka markuu tago, fana, bacdina uu soo noqdo, waa haraa, baqaa.

Waxaa la dhihi karaa ma neefsi iyo murabac u fariisaho laga soo miinguuriyay dadaan Muslim ahayn aa faras noqonaayo Ilaahay lagu dhex maro?

Jawaabta waa haa. Wax walba asalkooda waxay ahaayeen xalaal ilaa wixii xaaraan waaye la dhahay waaye ma ahane. Tan waa saldhigga garashada ama fiqiga Diinta Islaamka. Ma arkin meel lagu yiri neefsi iyo fadhiisad diinta ma ogala, haddaad ku aragtay ee keen.

Xassan Daahir Aways wuxuu dhahay isqarxinta waxaan ka keenay Jabaanayska, asagoo iska fogaynaayay Qaacidada, walow Shabaabka ay la garan waayeen istaraatiijiyadaas, haddana wuxuu hoosta ka xariiqaayay in wax laga soo miin guuriyay dadaan Musli ahayn in Janno lagu gali karo.

Si kale u dhig, wax Nabiga NNKHA uu samayn, saxaabadana samayn uu dhahaayay Janno aa lagu galaa.

Marka annaga hadda saas ma lahin, oo neefsiga iyo fadhiga in Ilaahay lagu dhex mari karo culumo waawayn oo Suufiya ah aa hoosta ka xariiqday; waxayna iila muuqataa inay saxsanyihiin;u fiirso hadalkayga waxaan dhahay waa iila muuqataa, laakiin aniga Ilaahay kuma dhex safrin intaan hubo, bacdi ma dhihi karo Ilaahay aan ku dhex safray; haddana ma dhihi karo kuma dhex safrin; laakiin in yoolka inuu yahay in Ilaahay lag dhex safro arin waa runtii ku farax galinaysa. Culumadana waxay u badantahay inay run sheegaayana. Laakiin adigaba tijaabi, wadiiqada meeshaan aan soo dhigaa, haddii Eebe idmo.

Aqoontaan waxaa la dhahaa culuumta sirta ah ama asraar; lama huraan ay noqotay in banaanka la soo dhigo maxaa dhacay dheh Suufiyada Caalamka iyo tan Soomaaliya waxay waajahaayaan khataro halis  ah oo kaga imaanaaya dhanka xagjirka iskugu waca salafiyyada; u fiirso salafiyo waxaa jira wasad ah ama jidka dhexe, ma aha kuwaan kuwa aan ka hadlaayo, ee waa kuwa raba inay dalka xoog ku qabsadaan, wadahadalka iyo doorashada aan ogolayn; raba inay talada ummadda isku koobaan, walow Quraanka sheegaayo in talada ay tahay mid dhex taal Muslimiinta, si kale u dheg xagjirka aan ka hadlayno waa Axmed Godane iyo inta la jirta, ama Shabaabka guud ahaan.

Salafiyada xagjirka ayagoo isticmaalaaya tabo meelo kale laga soo miinguuriyay, sida isqarxiska,  ay rabaan inay wadanka Soomaaliya oo dhan xoog ku qabsadaan, bacdina ciribtiraan Suufiyada.

Masiirkaan waxaa lala damacsanyahay Soomaalida aan ahayn Salafiyada xagjirka ah oo dhan, waxaa soo galaaya ictisaamka, ikhwaanu Muslimiinta, iyo Soomaalida aan la safnayn Axmed Godane iyo la jirta.

Howlahaan aan wadno waxaa nagu kalifay in masiirkaan foosha xun ay damacsanyihiin xagjirka Salafiyada  laga hortago, ayadoo la isticmaalaayo wax walba oon ka hor imaanayn Diinta Islaamka.

Waxaan arkay oon maqlay ninka la dhaho Xassaan oo Nayroobi jooga, oo taageera xarakada Shabaabka oo leh dadka Suufiyada waa mushrikiin, ma aha Muslim; ninkaas iyo inta la midka ah hadday dalka qabsadaan, maxaa ka filaysaa inay suubinaayaan? Waa nin Soomaali ah ninka sadas u hadlaaya, ma ka imaan meel kale. Wuxuu tusaale u yahay xagjirnimada Salafiyada hubka wadata, ee Axmed Godane madaxda u yahay.

 
 
Ma qarsan cadaawada uu qabo suufiyada, iyo dadka aan la fikirka ahayn, waa u cudur daaray xitaa dilkii wadaad ictisaam ahaa oo lagu dilay Boosaaso, aakhirkii 2011; waxaa la joogaa xiligii la iska dhicin lahaa asaga iyo inta la mid ka ah, inta waqtiga la haysto, ama masiirka ay damacsanyihiin qoorta haloo dhiibto, bacdina halugu noolaado duli adduunyo iyo xanuun dambe oo tiro badan.


Isha Somaliweyn

No comments:

Post a Comment