Thursday, November 29, 2012

Iskorjoogidda ama Miyir-Uduruska iyo sida loo Sameeyo

Dadka qaarkiis taqwada ama isilaalinta joogtada ah ma aha wadadooda, fikirka badan ma aha waxay u hilowsanyihiin; waxaa ku filan inay qabtaan shaqo fiican oo loo qabanaayo Ilaahay dartiis, laakiin wax kale aan laga rabin.

Tusaale in waalid dhiban la kaalmeeyo, ama xigto, ama agooon, iyo la garab galo dadka socotada ah ama qariibka ah, tusaale ahaan, waa waddo dadka qaarkiis ay ku kori karaan.

Laakiin qof walba inuu is ilaaliyo waa mid meesha ku jirta, si uu u barto tabaha shaydaanka howlgalinaayo suu uga mashquuliyo inuu howshiisa qabdaso.

Heerka qofka nolosha uu ka joogo waxaa go'aansanaaya heerka ay gaarsiisantahay isilaalintiisa, sida Waaq Quraankiisa ku sheegay, suuradda ama cutubka 49aad, aayadda ama astada 13aad. Si qolo u noqoto qoloda ugu karaamada badan ama xitaa shakhsi waa is ilaalin, la iska ilaalinaayo waxa lawada ogyahay inay xunyihiin,munkar, lana bursanaayo waxa lawada ogyahay in fiicanyihiin, macruuf.

Mid ka mid ah qaababka la isku ilaalin karo aan meeshaan ku soo bandhigaynaa.

Baaritaano iyo udurus badan oo lagu sameeyay meditayshanka ama iskorjoogidda ;waxay isku raaceen inuu caafimaadka qofka u fikcanyahay bacdamaa uu dadka xasiliyo.

Waxaa xusid mudan nidaamka aan sharixi doono inuu kaa caawin karo mudada fog, iyo xittaa muddada dhow, culaysyada ku soo koraaya, meeshay rabaan haka imaadaan, inaad iska kartid .

1-Dhigo buste, ama wax la mid ah, oo lalaabay, dhirirkiisana la egyahay hal tilaabo, ama saddex cag, oo afar gees ah, ama labo jibaaran.

Fadhigaan, mudada fog, mirqaanka waa ka fiicantahay, waana bilaash, marka fadhi ka fiican waa yaryahay, marka laga reebo tukashada. Runtii mirqaanka waa masal fiican.

2- Waxaad kaloo u baahantahay barshin ama barkin yar oo buuran, si aad u dhigatid simaha hoostooda.

3- U jeeso darbi, si aa waxyaalo kale ugu mashquulin.

4-Waxaa jira qaabab badan oo loo fariisan karo, waxaa lama huraan ah, inaad u fariisatid qaab sahlaaya inaad fadhidid xanuun la'aan iyo dhaqdhaqaaq la'aan dagan amin dhan 20 ilaa 30 daqiiqo.

4-Haddii fadhiyada lamagacdhabi rabo aad u fariisan karin, si xanuun la'aan ah, bacdi ku fariiso kursi, adoo samaynaaya wixii lagula taliyay qof fadhiya inuu sameeyo, intaad ka awoodid.


5- Xiro dharaan kugu dhaganayn, si aadan ciriiri u galin qayb ka mid ah jirkaaga. Mumaaarasaad ama aalmiito ama laylis tiro badan aa laga yaabaa inuu lama huraan yahay si aad u baratid inaad si fiican u fariisatid.

6- Haddii aadan dhulka fariisan karin,
Kursj ku fariiso, bacdina tilmaamaha la soo jeediyay intaad ka samayn kartid ka samee.

7- Dulqaad iyo ku fiiris tiro badan aa lagaa yabaa inaad u baahantahay si aad I baratid sida si fiican loogu fadhiisto.


8- Si yaabo kala duwan oo waxaa jira loo fariisan karo. Waxaan ugu jeclahay fadhiga la dhaho fardofuulka ama u eg. Waana fadhi u fiican dadka barbaratoyda ah.


 

No comments:

Post a Comment