Tuesday, February 19, 2013

Qaybtii Labaad ee Muraaqabada ama Korjoogtada

9- Fuul barshin buuran oon gaarayn cajaraha ama bowdyada,laakiin hoostaala simaha. Waa lama huraan in barshinta ay buurantahay, si bacdi aad si fiican ugu fariisatid. Lugahaaga bacdi gadaal u laab sida adigoo attixyaat u fadhiya, laakiin labada lugood dhinacooda kore waa inay dhulka ku masaxanyihiin.
10- Bacdina qaybta kore ee simaha kor u jeedi, arintaan waxay ku sahlaysaa inaad dhexda aad horay u riixdid, si caloosha horay ugu soo foorto. Dadka odorosa fadhiwanaaagga arintaan amin farobadan ay kutalinaayeen in la naawilo. Waxay leedahay macaash aan la soo koobi karin oo dhinacyo badan ah xittaa haddaad awoodid, marka meelahaas aad iska fadhidid, sidaas. Bacdi, waa daalaysaa cabbaar ka dib, waadna taqaan waxa laga falo, socod ama jimicsi waxoogaa yar iwm.
11- Waxaa kaloo dhacaysa in culayska jirka markaan ku soodago qaybta hoose ee caloosha. Meeshaan waxaa la dhahaa waa xarunta jirka.Dadka karatayga ciyaara ama ciyaaraha kale oo la midka ah, waxay dhahaan meeshaan qofka mar kuu dego, waa markuu in badan diiradda saaree, waa xasilaa. Runtiina waa wax adigaba aad arki kartid haddaad tijaabisid. Inta badna marka xabadka meelo kale la iga qabto, sida madaxa, waxaan diiradda saaraa meel labo ilaa saddex suul ka hoosaysa xudunta; bacdina xanuunada jira iyo cadaadisyada waa iska khafiifaan, si guurguurasho ah, ama waa iska tagaan. Waa sir wayn.

12- Haddaad cabbaar meeshaas xoogga saartid, waxaa lagayaabaa inaad ka dareentid budbud, sida calooshaada inay karkarayso. Halkaas waxaad ka arkaysaa awoodda ay leedahay diiradaada. Marka markaad fadhidid ama marar kale diiradda meeshaas iska saar, si ay kuugu noqoto hoyi ama guri. Salaamaat.



Meeshaan hoose buugga ka gado.

 

No comments:

Post a Comment