Marna shaqo qabso marna u naso.
Laakiin tan waxay u baahantahay inaad ka warqabtid waxa socda. Haddaad maahsantahay, waa kaa hoos baxaysaa. Waxaan ogaaday maraan qaban karo shaqo fiican. Waxaana go'aan ku gaaray inaan aminahaan shaqadayda qabsado.
Aminahaan aan shaqo fiican qabsan karaa
1- Markaan go'aan cad gaaro. Wax kale haka fikirin, aan isdhahaa, aan ka ahayn shaqada ku hor taal. Tusaalahaan jawaab cad aan ka bixiyaa? Marwadaan hortayda fadhida ma shukaansadaa mase waa iska dhaafaa? Shaqo hebel ma raadsadaa mase waa iska dhaafaa? Go'aan cad gaar aan ka gaaraa. Arintaan waxay u darantahay dadka ku adagtahay inay go'aan ca gaaraan.
2- Marar waxaa jira aan maalayacni iska galo, sida inaan meel iska fadhiisto, bacdina shabakadaha aan iska dawaafo ujeedo la'aan bacdina wixii iga soo hor baxa aan iska akhristo ama aan iska fiirsado.
Tan waxay kaliftaa inaan ka dib dhaco jadwalka hurdada, bacidna aan seexdo xilli ka yar sideed saacadood. Arintaan waxay hoos u dhigtaa tayada maalinta Iyo awoodda aan u leeyahay inaan shaqo fiican qabsado.
Soo wari inaad arintaan ka adkaatay, ilaalisayna jadwalka hurdada, kana dhigatay caado ilaalinta jadwalka hurdada.
3- Waxaan caado ka dhigtay inaan saxo qormooyinka anoo kor u akhrinaaya dad hortood. Waa mala awaalaa inay dad I dhagaysanaataan. Bacidna howshayda aan ku qabsadaa.


No comments:
Post a Comment